Thuis
Contacten

    Hoofdpagina


Mahad oo dhan Alaah iska leh Rabiga caalam ka abuurey Allaha ha amaano nabigeena sharafta badnaay anbiyada kan ugu fadliga badan&anbiyada lasoo direy dhamaantood

Dovnload 26.22 Kb.

Mahad oo dhan Alaah iska leh Rabiga caalam ka abuurey Allaha ha amaano nabigeena sharafta badnaay anbiyada kan ugu fadliga badan&anbiyada lasoo direy dhamaantood



Datum14.10.2017
Grootte26.22 Kb.

Dovnload 26.22 Kb.

Taariikhda Abiibakar Sidiiq

Qaybta 3"aad(sadexaad)

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

Mahad oo dhan Alaah iska leh Rabiga caalam ka abuurey Allaha ha amaano nabigeena sharafta badnaay anbiyada kan ugu fadliga badan&anbiyada lasoo direy dhamaantood

Hijradiii Abiibakar Sidiiq`` R.C``

>Abiibakar sidiiq رضي الله Markii islaamkabiloowgiisa la imtixaamey muslimiinta ayaa abiibakar u baxay hijro dhulkii xabasha markuu maraayo meesha layiraahdo Bari Qamaad ayuu la kulmey Ibnu Daqni oo ahaay odaygii reer qaara ayuu abiibakar ku yiri xageed u socotaa markaasuu yiri waxaa isoo saarey tolkayga waxaana rabaa inaan raadsado dhul aan rabigayga ku caabudo> Ibnu daqni wuxuu yiri : Adigoo kale mabaxo lamana saaro waayo( sababatoo ah) waxaad kaalmaysaa kan aan waxbo haysani, Martida ayaa soortaa oo soo dhoweysaa ,xaqana waad u gargaartaa,Ee aniga ayaa magangalyo ku siinaayo ee soo bax laabo magaaladada makkana rabigaada ku caabud. Markaas ayaa abiibakar ayaa soo laabtey asagoo ibnu daqni lasocda kacabadda ayeey wada dawaafeen markaasuu ku yiri qureeysh Abiibakar ookale lama bixiya lamana saaro waa nin qaraabada xiriiriya iyo masaakiinta kaalmeeya ,Martiadan soora oo xaqana u gargaara ee ogaada aniga ayuu magan gashe markaasna qureeysh wey ka aqbaleen ibnu daqni Laakiin waxay ku xireen Labo shardi oo kala ah:

1- waxay yiraahdeen abiibakar gurigiisa dhexdiis haku caabudo ilaahiisa (Rabigiisa)

2-Abiibakar Yuusan quraanka kor u akhrin maxaa yeelay waxaan ka baqaynaa in uu naga fasahaadiyo (Naga Fitneeyo ) Dumarka iyo caruurta.

Ibnudaqni: Arintii ayaa abiibakar u sheegay ee qureeysh tiri sidaas abiibakar rabigiisa isaga caabudaayey asagoo aan codka kor u qaadaynin laakiin abiibakar wuxuu ahaaan jireymarkuu quraanka akhrinaayo wuu ooyn jirey arintaasa odoyaashii qureeysheed aad bey uga caroodeen waxayna u dacwoodeen odaygii magangaliyey waxaay yiraahdeen waxaan abiibakar kaaga yeelnay inaad magangaliso inuu rabigiisa gurigiisa ku caabudo oo uusaan codkiisana kor u qaadin laakin codkii kor u qaadayaa taasna waa tan aan uga cabsanayno inuu dumarka iyo caruurtaba maqlaan wuxuu akhrinaayo(Quraanka) oo naga raacaan ee u sheeg codkiisa hoos hau dhigo taas waxaad arkaysa ummada markasta xaqa majecla .Ibndaqni: wuxuuu kale yiri marabo inay carab maqasho nin ay magal galiyey inaan waxbo utari waayo oo horteeda lagu dhibaateey,mararka qaar waxaad arkaysaa dadkaas oo gaalo ah haddana sidey u qadarin jireen qofka wuxuu balanqaado in uuka soo baxo annaga muslimiintana waaxad arkeysaa inaan bil cakis nahay oo balantaan alle ka qaadney aan dayacney ilaahay waxaan weydiisanaynaa in uu nabadbaadsho. ''Abiibakakar"" Markii ibnudaqni u yimid oo arintaas u sheegay wuxuu yiri abiibakar magangelyadaada waankuu ceeshay ee maganta rabbi<Maganta Alle> ayaan ku jiraa saas ayeey ku dhamaateymagangelyadii loo qaadey abiibakar.

>Abiibakar sidiiq رضي الله kama uusan bixin magaalada makka wuxuu kamaid ahaay muslimiintii magaalada makka lagu dhibaayey ilaa hijradii weyneyd laga gaaroee loo hijroonayey magalaada madiina markii rasuulka sc w hijradiisa lagaarey wuxuu muslimiintadhan amrey inay hijroodaan wuxuuna yiri allaaha wuxuu idiin yeealay walaalo & dhul aad ku nabad galeysaan idinka iyo diintiina markaas asxaabtii waxay bilaabeen inay si isdabajoog ah u hijroodaan ilaa mid laxabisey ama la fitneeyey mooyaane laakiin rasuulka wuxuu sugaayey idin loo idma ilaa uu ka hijroodo.

Waxaa kale rasuulka reebay scw cali abii dhaaliib oo uu ku yiri adiga & abiibakar suga inta la ii idmaayo hijro marka saasey u joogeeen.

>Abiibakar sidiiq رضي الله maadama rasuulka reebay wuxuu diyaargaroow ugaley in uu sii diyaarsho wixii safarka lagu gali lahaay wuxuuna diyaarshey labo neef oo geel oo ay fuulaan .

>>Abiibakar : رضي الله wuxuu yiri gurigayga waxaa iigu yimid rasuulka alle waqti duhur ah oo aan caadi u ahaan jirin in rasuulka yimaado wuxuu yiri waxaa la ii idmey hijradii madiinah ^^ Markaasu yiri abiibkar Hooyadey & aabahay halagugu furto aan kula rafiiqo rasuulkana waa ka aqbaley ^^ abiibakar farxad darteed ayuu la ooyey markaasuu yiri rasuulkii alloow labadaan neef geel ah mid qaado laakiin rasuulka wuu ka diidey ilaa uu ka iibsadey mid kamid ah geelii marka waxaa bilaabtey hijradii makkah ilaa madiina loo hijroonaayey rasuulka waxaa raaceey saaxiibkiisa abiibakar waxay u dhaqaaqeen dhinacii godkii iyaga oo uu lasocdey nin wadada tusayey oo la oran jirey Cabdulaahi binu Ureeyq waxayna wateen laboo neef oo geel ah intii jidka lagu jirey ayuu abiibakaar wuxuu sameeynayey marnahore ayuu kamarayey rasuulka marna gadaal wuxuuna u ahaay waardiye rasuulka weydiiyey oo yiri maxay tahay waxaad samaynaysa markaasuuyiri waxaan xasuustaa in horey lagaa imaan karo ama gadaal .
>>Godkii Markii layimid: Abiibakar godkii ayuu galey si uu usimo ciida wuxuu ka helay sadex dalool markaasaa intuu maradiisa jarjarey ayuu godadkii ku cufay (Cubey) yacni galiyey meelahii dalooshay ahayd ilaa labo god maahin wuxuu yiri soo gal rasuulkii allooow kadib na wuxuu abiibakar labadiisa lugood ku dabooley labadii god markaas kadib ayuu rasuulka kuseexday dhabtii abiibakar kadib abiibakar waxaa godadakii mid kamid ka qaniintey abeeso (mas) is ma dhaqaajini isagookacabsi qaba in rasuulka ka tooso hurdada laakiin xanuunkii maska qaniinayd darteed ayaa ilmadda ka qubatey soo gaartey rasuulka sc w oo toosisey rasuulkaa yiri maxaa kugu dhacay abiibakar markaasuu yiri waa lay qaniiney rasuulka scw ayaa meesha laga qaniiney kaga tufey weyna u baskootey ( Reysatey) taasna waxay kamid tahay mucjizaat rasuullaah .
>>Abiibakar : رضي الله Kaligii kama qaybgalin hijradda rasuulka scwbalse waxaa kala qayb qaatey qoyskiisa /reerkiisa oo idil:

>> Cabdulaahi ayaa godka usoo hoyan jirey oo wararka & go"aamada qureysh maalinkii gaareeniyo war ah ee magaalada kasoo baxay.

>>Caamir Ibnu Fuhayr oo khaadimkii(Adeegihii abiibakar) abiibakar ariga u raaci jirey ayaa caanaha usoo lisi(Caano Maali Jirey) jirey habeenkii.

>>Asmaa bint Abiibakar: Waxay siisey sahaydii jidka (wadada) lagu mari lahaay .

Ilaahaan Uga Mahad Celin الحمد لله رب العالمين Oo Ii Fududeeyey Inaan qoro Taariikhda Khulufaa Rashidiin oo i Waafijiyey aan Walaaladayda aan Ugu soo Gudbiyo Luuqadda Af Soomaliga Marka Waxay Khaladaad Yeelato Risaaladaan Ama Gaabinah &Luuqada Soomaliga Erayad qaarkood Aan Qeexi waayo Waxay Ka timid Nafteyda & Shaydhaan Waana Uga Toobad Keeni Allaah iyo Rasuulkeena S.c.w Bari Ayeey Kayihiin Naseexadiina Waan U Baahanahay Yaan La iga Iloobin Walaalkasto Ka Faaideysta Ama Akhristo ama Wax Kusii Daro Ilaahay (i weydiiya) iiga Barya Aniga & Labadayda Waalid & Reerkayga In Allaah Na Waafijiyo Tubta Toosan & Khaatimadda Toosan.

Waxaa Qorey : Walaalkiin Cabdiladhiif Aadan Akhiizubeyr_1@hotmail.com

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

  • Mahad oo dhan Alaah iska leh Rabiga caalam ka abuurey Allaha ha amaano nabigeena sharafta badnaay anbiyada kan ugu fadliga badananbiyada lasoo direy dhamaantood
  • Maganta Alle
  • Oo Ii Fududeeyey Inaan qoro
  • Cabdiladhiif Aadan

  • Dovnload 26.22 Kb.